Soomaaliya waxay u baahan tahay Baarlamaan Xilkas ah

Waa in la helaa metalayaal leh haykal, sharaf iyo dhaqan ay tusaale ugu noqon karaan bulshada inteeda kale, dhowrana sharciyada ay dejiyaan, waana in ay ka bilaabato Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Faallo Keydmedia Online
Soomaaliya waxay u baahan tahay Baarlamaan Xilkas ah

In kasta oo guud ahaan siyaasadda Soomaaliya ay ka dhexjirto xilkasnimo xumo baahsan iyo musuqmaasuq sharaftii dowladnimada Soomaaliya dhulka la galay, haddana marka la qiimeeyo qaabka uu u dhaqmay baarlamaanka federaalku markuu xilka ka qaadayey 25-kii Luulyo 2020, Ra’iisul-Wasaare, Xasan Cali Kheyre waxaa soo baxday inay muhiim in wax laga bedelo habdhaqanka baarlamaanka federaalka. 

Kulankii maalintaas ka dhacay xarunta baarlamaanka waxaa isugu yimid xildhibaano lasoo abaabulay habeenkii lasoo dhaafay, ajandaha laga doodayeyna kuma aysan jirin wax ku saabsan ra’iisul wasaaraha balse wax waliba waxay isku bedeleen si kedis ah.

Waxaa xildhibaanadii kulanka yimid loo sheegay inay u codeeyaan xil-ka-qaadis Ra’iisul wasaaraha, waxaana qiyaastii 90% xubnihii halkaas joogay si gacan taag ah xilka uga qaadeen ra’iisul wasaaraha oo shaqadiisii caadiga ahayd fushanaya, warna aan ka hayn waxa ka dhacaya baarlamaanka. 

Sharcigu wuxuu qabaa in marka hore mooshin laga diyaariyo masuulka la rabo in xilka laga qaado, kadibna baarlamaanku ka doodo xil ka qaadistiisa, masuulkana la siiyo fursad uu isku difaaco. Markii intaasi dhacdo kadib ayaa xil qaadistu imaan kartaa sida dastuurka dalku qeexayo.

Waxaa kaloo iyana layaab lahayd in Guddoomiyaha baarlamaanka, Mudane Mursal oo la rumaysan yahay inuu qayb ka ahaa abaabulka xil ka qaadista Kheyre uu isla markiiba madaxweynaha u jeediyey inuu magacaabo ra’iisul-wasaare cusub, isla maalintaasna madaxweynuhu u magacaabay ray’iisul wasaare ku meel gaar ah, ku xigeenkii Ray’iisul wasaarihii la riday. Tani waa qalad weyn. Ra’iisul wasaaraha la riday ayey ahayd inuu xilka sii hayo inta laga magacaabayo ra’iisul-wasaaraha cusub.

Waxaan oo dhan waxaa loo sameeyey dano gaar ah iyo muddo kororsi fowdo ah oo ay iska kaashanayaan xubno Baarlamaanka Federaalka iyo dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo doonaya inay xukunka sii haystaan. 

Dabcan siyaasiyiinta niyadda xun iyo wasiiro xilka macaansaday inay siyaasadda ku jabhadeeyaan waa laga filan karaa, laakiin baarlamaankii metalayey sharciga, sharafta iyo danaha ummadda Soomaaliyeed lagama filayn inuu sameeyo wixii dhacay maalintaas.  

Maxaa yeelay baarlamaanku waa hay’addii shirci dejinta dalka iyo dhowraha qawaaniinta dalka, waxayna ahayd inuu leeyahay dhaqan caddaalad iyo qab wanaagsan ku salaysan.

Haddaba si loo suuro geliyo dhismaha baarlamaan maamuus fiican leh, dhowra sharciga  iyo dowlad wanaagga waxaa haboon in wax laga bedelo qaabka loosoo xulanayo xubnaha baarlamaanka. Waxaan qabaa in marka waqtigu ka dhamaado baarlamaanka hadda shaqaynayaa, in qabiilada iyo bulshooyinka deegaanadu ay soo doortaan xubno sharaf u saaxiib ah, lehna aqoon durugsan oo qaran iyo ummad lagu metali karo. Waxaa kaloo iyana mudan in wax laga bedelo xeer hoosaadka baarlamaanka, habdhaqankiis iyo sida loola xisaabtamo xubnihiisa. 

Waa in la helaa metalayaal leh haykal, sharaf iyo dhaqan ay tusaale ugu noqon karaan bulshada inteeda kale, dhowrana sharciyada ay dejiyaan. Qaasatan Soomaaliya oo ah dal fowdo iyo dagaalo sokeeye muddo dheer kusoo jiray waxaa la rabaa in hay’adaha sar sare sida baarlamaanka iyo xukuummaddu ay leeyihiin habdhaqan wanaagsan oo lagu daydo.

Dhibka lagama baxayo haddii dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo bulshooyinka deegaanadu ay soo dirsadaan xubno baarlamaan oo hankooda iyo dhaqankoodu ka hooseeyo heer qaran. Dhibaatadu waa jiraysaa inta musuq iyo laaluush wax lagu noqonayo.

Cumar Diini

  • user pic

    Barre Shukri Elmi

    • 9 August 2020

    Barlamanka somaliya waa hay’adda Dalka u sarreeyso oo laga rabo in ay hagto wax walba waxaana hadda muuqato in aysan u dhaqmeeyn sidii Barlaman Qaran laga rabay sida ku xusan qoraalka qiimaha badan ee Cumar Diini.

    1) in loo bixiyay magaca Golaha shacabka kaas ahaa magac aan ku habbooneeyn oo ay la’haayeen kooxdii Askarta.

    Labadaan qodob ayaa ka dhigay howl gab.

    2) in lagu yeero Barlamanka 10aad ayadoo lagu daray tirada Barlamanada somaliya koox Jirtay xiligii Ragiimkii oo aan sifo Barlaman la’heeyn.




Faallo 23 September 2020 5:18

Konton iyo Afar (54) maalmood kaddib oo Soomaaliya ku sugneyd Xukuumad la'aan, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo wuxuu xilka Ra'isul Wasaare u magacaabay Injineer Maxamed Xussein Rooble oo muddo dheer ka soo shaqeynayay hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Shaqada iyo Shaqaalaha.