Taariikhda Madow ee Siyaad Barre

Farmaajo: Shalay wax ka baro

Faallo Keydmedia Online

Taariikhda Madow ee uu ka tagay Siyaad Barre waxaa jira qaybo badan oo aan weli la soo bandhigin daboolkana laga qaadin, barnaamijkaan gaarka ah, Keydmedia waxey idiin soo bandhigeysa Xasuuqii ka dhacay Bay & Bakool. Maxamed Siyaad asiga oo ku naf raadsanaya Gobolka Gedo, tuulada Buurdhuubo, wuxuu geystay Xasuuq baaxad weyn, kadibna xaaluufiyay wixii hanti ahaa oo ay dadka daga Bay iyo Bakool lahaayeen; waa dukaamo, waa bakaaro, waa xoolo.

Farmaajo: Shalay wax ka baro

Dadku waxey xasuustaan falalkii waxashnimada ahaa ee uu ka fuliyay Gobollada Waqooyi, laakiin intaas iyo ka badanba marka duqeynta laga reebo wuxuu ka fuliyay Gobollada Dhexe oo uu ka geysatay Xasuuq wadareedyo ka hor iyo ka dibba dagaallada waqooyi.

Fiiri Gaalkacyo, bariga gobolka Mudug, Deer-ku-dhac, Xingod, xasuuqii Docol, shacbigii lagu guray barkadaha Bandiiradley, xasuuqii Biya-guduud, oo uu ku dagay Gaaskii Gallin-soor dagganaa, meeshaas kaliya waxaa lagu laayay dad gaaraya saddex boqol oo qof, oo xitaa dadkaas waxaa loo quuri waayay in xabbad lagu laayo, taas baddelkeeda waxaa loo adeegsaday layntooda taayaradda baabuurta ciidan ku sheegi Siyaad, qaybna ayagoo cararaya ayaa wadnuhu istaagay.

Sidoo kale xasuuqii Dhuusamareeb iyo tuulooyinka ku xeersanaa sida Xananbuurre iyo Qalaanqalle, sida; Casir-belo, December, 1989.

Weerarkii Godinlabe, Cadaado, Gawrac-dheere iyo Dawaco-weerar, 1984 ayna u dheereed burburinta baraagihii ay ka cabi jireen xoolaha iyo dadka noolba oo dhammaan laga dhigay qayb miino lagu xiray iyo qaar la aasay.

Dhanka kale, Baladweyne oo nuskeeda la gubay iyo xasuuqii iyo xaaluufintii ka dhacday Bay iyo Bakool iyo Gobolka Gedo. Waxaa xasuus mudan, xasuuqii loo geysay shacabka ku nool Shabeeladda Hoose sida deegaanka Qorilow, oo uu fuliyay Jeneral Maxamed Tahlii Biixi, oo maantay Madaxweyne Farmaajo Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka ( Ciidanka Gorgor).

Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre markii uu Caasimadda dalka burburiyay oo dagaalka looga adkaaday, habeenimadda 26dii Janaayo 1991 ayuu ka baxay Villa Somalia, wuxuuna wajiga saaray dhinaca Kismaayo.

Muddo ka dib, Maxamed Siyaad oo ku noolaan waayay Kismaayo ayaa wuxuu naf ka raadsaday Gobolka Gedo, tuulada Buurdhuubo, halkaas oo saldhig u aheyd ilaa 28kii April 1992dii.

Wixii dhacay muddadaas uu ku sugnaa Gobolka Gedo, muuqaalkaan ayaa si fiican u muujinaya. Wuxuu xaaluufiyay wixii hanti ahaa oo ay dadka daga Bay iyo Bakool lahaayeen; waa dukaamo, waa bakaaro, waa xoolo.

Intaas kuma ekaane, waxaa u sii dheeraa kufsiga, dilka iyo ku shaqeysiga dadka ay u geysten Siyaad Barre iyo Ciidamo-mooryaantiisa. Dadkii deegaanka wuxuu ka galiyay adoonsi oo uu waxna beeraha ku fasho, waxna ku xamaasho.

Deegaanka Bay & Bakool guud ahaan waxaa ku habsatay gaajo keentay macluul cagabarar oo laga dhaxlay xabaalo wadareed. Waa kuwaan dadka degaanka intii ka badbaaday, oo ka warbixinaya rafaadka ay soo mareen.

Maxamed Siyaad intaas kuma ekaane, wuxuu duullaan ka soo qaaday Buurdhuubo oo uu rajeynayay in uu dib u qabsado magaalada Muqdisho, xukunkana dib ugu soo laabto.

Hay’adihii samafalka adduunka iyo dawladihii caalamka ee sheegan jiray in ay bini’aadinimadu ku wayntahay, halkii ay gargaar u fidin lahaayeen dadka tabaalaysan, waxay saf dheer u galeen la kulanka iyo in ay shirar la galaan ninka duurka ku jira ee xukunka laga tuuray, mar labaadna isku dayaya xukunka in uu ku qabsado qaab jabhadayn ah.

Waxaa laga filayay dawladaha iyo hay’adaha ajnabiga ah iyo dadka Soomaaliyeed oo nabada jecel in ay la xisaabtamaan kuwii fuliyay falalkaas waxashnimada ah ee dhaqanka suuban oo bini’aadniga ka baxsan, balse taasi ma dhicin.

KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 11 October 2021 21:53

Hogaamiyaha sida wanaagsan u fikira, waa kan isku hareereeya, dad isaga ka caqli, karti, aqoon iyo khibradba badan, oo dhankasta kala taliya. Sida muuqatana raysalwasaare Rooble sidaa ayuu sameeyey.