10 sano kadib, jidka KM4 iyo Tarabuunka oo la furay

Tan iyo markii Rooble xafiiska yimid todobaadyo kahor, waxay dowladda billowday furista wadooyiinkii xirnaa, iyadoo la dareemay nafis dhanka isku socodka oo horey ciriiri uga jiray.

Warar Keydmedia Online
10 sano kadib, jidka KM4 iyo Tarabuunka oo la furay

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa furtay wadada halbowlaha ah, ee isku xirta Isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaaladda Muqdisho, kadib markii ay maalmo kahor ka guurtay Safaaradda Qatar.

Mudo 10 sano ah ayay xirnayd wadada, sababo la xiriira amniga maadaama ay deganaayeen Safaaradaha Turkiga iyo Qatar, oo hadda labaduba u guuray gudaha magaaladda, taasoo keentay inay dowladda dib u furto.

Isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa loo fasaxay. waxaana tallaabadan soo dhaweeyay gaadiidlayda iyo shacabka Magaaladda, maadaama horey dhibaatada iyo ciriiri uga jireen jidadka kale.

Waxaa wali jira wadooyinka kale oo xiran, sida mida ka baxda KM4 ee hormarta Garoonka diyaaradaha, islamarkaana aada dhinaca Madiina, taasoo u xiran Jazeera hotel iyo hay'ado ajnabi ah, mana muuqato qorsho lagu furayo, maadaama amniga la isku halleyn karin xilligan.

Barnaamijkan wado furista waxaa lagu soo beegay xili uu socdo olole doorasho, waxaana lagu micneeyay inay qeyb ka tahay qorshaha Farmaajo uu ku doonayo inuu ku kasbado kalsoonidii shacabka ee uu lumiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.