11August iyo Xusuusta Saxaafadda

Seddex Sano ka hor maanta oo kale waa xiligii ay bilaabatay dil toos ah oo lagula kaco wariyaasha Soomaaliyeed ee xiligan adag ka shaqeeya gudaha Dalka.
Warar Keydmedia Online
11August iyo Xusuusta Saxaafadda

Rabi ha unaxariistee Maanta oo kale 7:30 aroornimo ayeey aheyd xiligii kooxo hubeysan oo Bastoolada wata ay toogteen Mahad Axmed Cilmi oo ahaa suxufi Da'yar firfircoon misna hal abuur wanaagsan oo dhanka Saxaafadda lahaa.

Dilka Mahad waxa uu ka dhacay meel aan in badan u jirin Xaruntii hore ee idaacada Hornafrik oo ku taalay Ifka Xalan, waxaana la wada xusuustaa in Markii aaska Mahad oo ka dhacay Qabuuraha Barakaat laga soo laabtay Dil qorsheysan oo Miino loo adeegsaday lagu fuliyay Agaasimihii Idaacada Cali Iimaan Sharma'arke, waxaana falkaasi ku dhaawacmay Wariyaal kale sida Sahal Cabdule oo ka mid ah Sawir qaadayaasha Wakaalada Reuters iyo Falastiin Axmed oo iyana ka mid aheyd Shaqaalaha Hornafrik.

Wariye Mahad oo misna ahaa Agaasimihii idaacada Capital Voice oo mataan la ah Hornafric waxa uu ku caan ahaa Barnaamijkii "HOODI HOODI" oo lagula socon jiray sida ay ku waabariisteen Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo hadalheynta ugu weyn degmo walba, waxaa kaloo uu ahaa Mahad nin inta badan diirada saara xadgudubyada loo geesto Shacabka Soomaaliyeed ee Masaakiinta ah, waxaana mudadii uu shaqeynayay uu soo bandhigay Dhacdooyin aad u xanuun badan oo ay ugu danbeysay caruur Shan ka badan oo walaala ah kuwaas oo Hooyadood iyo Aabahood ay geeriyoodeen isla markaana shacbka markii uu u soo bandhigay kadib caruurtaasi ay heleen damaanad qaad Nolaleed iyo daganaasho.

Subixii la dilay Mahad Habeenkii ka horeeyay waxaa Gurigiisa oo ku yaalay Muqdisho lagu Dhaawacay C/xakiim Jimcaale oo ka tirsanaa Shaqaalaha Radio Bay oo codka Dowlada ku hadli jiray, waxaana C/xakiin wali uu la taahayaa Dhaawicii gaaray dharaartaasi isla markaana Dalka isaga cararay.

Wixii maalinkaas ka danbeeyay waxaa aad u soo batay walaaca Ammaan ee ay qabaan Wariyaasha Soomaaliyeed iyadoona Dalka ay ka carareen Wariyaal badan, Intaas kadib waxaa la dilay Wariyaal iyo Agaasimayaal Idaacadeed oo badan oo uu ugu Danbeeyay Shiikh Nuur Max'ed Abkey oo ka tirsanaa Radio Muqdisho oo ku hadla Codka Dowlada.

Inkastoo u jeedada ka danbeysay Dilalkaasi cid ay doontaba ha fulisee la oran karo waa caburin iyo is hortaaga howlaha Saxaafadda Soomaalida ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in Dalka hada ay wali warbaahin ka howl gasho wariyaalna ka shaqeeyaan wallow caqabadaha ay iska badan yihiin.

Suxufiyiinta Soomaalida iyo Bahda Saxaafadda la saaxibka ah ee ka faa'ideesta howlaheeda waxa ay maanta u tahay dharaar murugo waayo waa maalin ay waayeen Dad qaali ah oo Saxaafadda Soomaalida howl weyn u hayay, isala markaana ay bilaabatay Dalka ay ka carareen Suxufiyiin badan oo si weyn uga dhex muuqday Warbaahinta Dalka ka howl gashay,kuwaas oo maanta Qaxooti ku ah Dalal Shisheeye oo dunida daafaheeda ku yaal .

www.keydmedia.net