Madaxda Shabaab iyo Xiriirka ka dhaxeeya Sirdoonka Imaraadka iyo Qatar! Xogta KM

Nairobi (Keydmedia) - Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku dhow Horjoogayaasha Kooxda Shababka ee lagaga itaal roonaaday tartankii Hogaanka loogu jiray, ayaa haatan la sheegay iney culeyska saareen sidii ay uga bixi lahaayeen degaanada ay ku nool yihiin ee Konfurta Somaliya, waxeyna magangeliyo weydisteen UAE.
Warar Keydmedia Online
Madaxda Shabaab iyo Xiriirka ka dhaxeeya Sirdoonka Imaraadka iyo Qatar! Xogta KM

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Horjoogayaasha Xasan daahir Aweys, Mukhtaar Roobow Cali ay xiligaan ku jiraan Gorgortan iyo wada xaajiid hoose oo ay la leeyihiin Saraakiil ka tirsan Sirdoonka UAE, kuwaasoo mudooyinkii ugu dambeeyay iyaga iyo Sarakiil Sirdoon ah oo ka tirsan dalka Qatar ay faraha kula jireen sidii ay u furfuri lahaayeen Horjoogayaasha maleeshiyaadka Kooxda Shababka, inkastoo ilaa hadda aysan wax natiijo ah ka keenin.

Wararka ayaa sheegaya in Horjoogayaasha Xasan Saahir & Mukhtaar Roobow ay weydisteen Saraakiishani in magangelyo laga siiyo dalkaasi iyaga iyo Qoysaskooda iyo tiro aan badneyn xubno muhiim, Saraakiisha ayaa la sheegay in dalabkaasi ay u gudbiyeen Madaxdooda, waxaa la sheegay in Shariif Sheekh Axmed qodobadaasi loogu yeeray in la talo geliyo, iyadoo la weydistay inuu xubnahaan iyo qoysaskooda ay si nabad ah uga baxaan garoonka Muqdisho ama ay oggolaado iney diyaarad loogu diro magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose si looga soo qaado, wuxuuna u sheegay inuu la-tashi u ula noqon doono kaidbna uu ku soo war gelin doono.

Dhanka kale, warar sheegaya, aan la xaqiijin in Horjooge Abuu mansor Al-Amriki oo xiriiro dhow la leh kooxdani kuna nool magaalada Marka xiligaan uu ka mid ahaa qodobada ay ka wada hadleen saraakiisha Sirdoonka UAE iyo Horjoogayaasha Shababka sida Fu’aad Maxamed Khalaf (oo loo yaqaan Shangole) iyo Cabdulqaadir Muumin in ay ka carrareen koonfurta Soomaaliya, waxana ay gaareen gobalka Bari ee Maamulka Puntland, gaar ahaan buuraha Galgala.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi


Keydmedia.net // Wadanka