Aabbe 5 caruur ah ee uu dhalay maanta soo aasay

Aabbe Soomaaliyeed oo ka mida dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa galabtay goob qura kusoo wada aasay shan caruura oo uu dhalay kuwaasoo ku geeriyooday roobab xoog leh oo qaaday caruurtaasi.

Warar Keydmedia Online
Aabbe 5 caruur ah ee uu dhalay maanta soo aasay

MUQDISHO, Soomaaliya - Abbe Xsan Cabdullaahi ayaa shan caruur ah oo uu dhalay ku waayey roobabkii ka da'ay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Bullo-xuubeey kaddib markii uu daad kala tegey gurigii ay deganayeen sidaasna ay ku geeriyoodeen.

Caruurta geeriyootay ayaa isugu jirtay afar wiil iyo hal gabar ah, waxaana qaaday daad kusoo rogmaday gurigooda oo ku yaalay degmada Wadajir gaar ahaan xaafadda Buulo-xuubey.

Masiibooyinkan oo kale ayaa waxay dhacaan xilli roobaadka iyadoo dadka dan-yarta ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ay la kulmaan dhibaatooyinka roobabka xoogga leh ee ka da'a gobolka Benaadir.

Xilli roobaadka hadda billowday ayaa lagu magacaabaa Gu' waxa uuna ka curtay inta badan gobollada dalka iyadoo sidan oo kale uu saameyn ka geystay gobollada waqooyi ee Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.