Aadan Madoobe: Suurta gal ma ahan in badeena la iibiyo

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan suurto gal aheyn in la iibsadaa Badda Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Aadan Madoobe: Suurta gal ma ahan in badeena la iibiyo

Aadan Madoobe ayaa waxa uu sheegay  dalka Soomaaliya maadaama uu burbur ku dhex jiray Muddo labaatan sanno la  doonaayo in laga faa’ideysto islamarkaana la iibsadaa Badda Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in taas aysan marnaba  dhici Doonin.

Aadan Maboobe waxa uu sheegay in dowlado dhowr oo ku jira Urarka Jaamaca Carabta IGAD QM Midowga Africa ay leeyihiin Baddo caalami ah oo aan lagu xad gudbin kuna dhaqma Sharciga caalamiga ah laakiin waxa uu isweydiiyay waxa  Badda Soomaaliya leys kugu heysto.

Aadan Maxamed Nuur Madoobe Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyed looga baahan yahay in arintaan ay ka dhiidhiyaan.

Sidoo kale waxa uu shegay haddii ujeedada ay tahay in la doonayo in dhacaa Badda soomaaliya Sida uu hadalka udhigay inaysan marnaba taas aysan suuroobeyn.

Mudooyinkii ugu dambeeyay hadal heynta ugu baarlamaanka soomaaliya ayaa noqday su’aalo isweydiin ku aadan cidda saxiixday hishiiska xadeynta Badda  Soomaaliya.

WWW.KEYDMEDIA.NET