Abaanduulihii Ururka 71 -aad ee CXD oo la dilay

Abaanduulihi ururka 71 -aad, guutada 15 -aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dagaal dhexmaray Ciidamada Galmudug iyo ururka Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Abaanduulihii Ururka 71 -aad ee CXD oo la dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Abaanduulihii Ururka 71-aad, Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Dhamme: Sayid Bicir ayaa lagu dilay dagaal u dhexeeya Ciidamada Xoogga iyo Kooxda Al-Shabaab oo  ka socda Deegaanka sinadhaqo ee Koonfurta Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalkan dhex maray labada dhinac ayaa geystay qasaaro kala duwan, waxaa sidoo kale kooxda Al-Shabaab looga diley 3-xubnood oo ay kamid ahaa kooxda oo meydkooda ay kaga carareen.

Abaanduulaha ururka 71-aad Dhamme Sayid Bicir ayaa lagu dilay weerarka, waxaana lagu soo warramayaa in kooxdii weerarka fulineysay ee Al-Shabaab ay isaga carareen, mana jiro wax wara oo kasoo baxay labada dhinac oo faahfaahiyay sida ay wax udhaceen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.