Abaaro iyo Biyo la’aan ka jira Gobolka Gedo

Ceelcadde(KON)-Waxaa laga deeyrinayaa Xaalada Nololeed ee Dadka iyo Duunyada ku nool qeybo ka mid ah Gobolka Gade ka dib markii Abaaro iyo Biyo la,aan baahsan.
Warar Keydmedia Online
Abaaro iyo Biyo la’aan ka jira Gobolka Gedo

Xoolaha ayaa bilaabay in ay Dhintaan Abaaraha iyo Gaajada haysata Awgeed,waxaan laga Cabsi qabaa in Dadka ku nool halkaasi ay Haraad u Geeriyoodaan.

Gudoomiyaha Degmada Ceel Cadde Cabdi Cali Qoorleex oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Meelaha ugu daran ay tahay Degmada Buurdhuubo,Ceel Cadde iyo Tuulooyin Hoostaga Degmooyinkaasi.

Cabdi Cali Qoorleex ayaa sheegay in sidoo kale Abaaraha iyo Biyo la’aanta ka jira Gobolka uu ku Biiray Xanuunka Shuban biyoodka oo Caruur badan soo ritay,kuwaas oo hore  Macaluul ugu il darnaa.

Hay’adaha Gargaarka ayuu ugu baaqay in Dadka ay ugurmadaan maadaama ay Xaalada Adag xiligaan Dadku ku nool yihiin.

Abaaraha Gobolka Gedo laga soo sheegayo ayaa Mudo Saddex Bilood ah ka Taagnaa qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho