Abu Mansuur Al-Amriki oo Shaaciyay Khilaaf Xooggan oo Soo Kala Dhexgalay Shabaab

London (KON) - Wargeys lagu Magacaabo "The Long War Journal" oo ka soo baxo Dalka Mareeykanka ayaa baahiyay War ka soo baxay ninka lagu magacaabo Cumar Xamaami, balse loo yaqaano Abu Mansuur Al-Amriki warkaasoo ku saabsan in khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay horjoogayaasha Kooxda Shabaab ee Soomaalida iyo Ajaanibta ka bar bar Dagaalanta.
Warar Keydmedia Online
Abu Mansuur Al-Amriki oo Shaaciyay Khilaaf Xooggan oo Soo Kala Dhexgalay Shabaab

Wargeyska The Long War Journal oo  soo xiganaya Cajalad Muuqaal ah oo uu Abuu Mansuur Al-Amriki soo dhigay barta YouTube-ka ayaa waxaa uu sheegay inuu meel xun maraayo isku dhacyada iyo khilaafka u dhaxeeya horjoogayaasha kooxda Shabaab.

Khilaafkaan ayuu sheegay inuu si gaar ah ugu dhaxeeyo Horjoogayaasha Soomaalida ah iyo kuwa ajaanibta kuwaasoo isku khilaafsan arrimo kala duwan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho


Halkaan ka Daawo Video