Abuukar Cawaale oo lagala baxay hotel ku yaalla Laascaanood

Booliska Somaliland ayaa gudaha u galay hotel-ka kadibna kala soo baxay Abuukar Cawaale [Qaad-diid], oo u joogay Laascaanood howlo wacli-gelin ah.

Warar Keydmedia Online
Abuukar Cawaale oo lagala baxay hotel ku yaalla Laascaanood

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Waxaa magaaladda Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool lagu xiray Abuukar Cawaale [Qaad-diid], kadib markii Ciidamada Somaliland kala soo baxeen hotel uu deganaa.

Abuukar ayaa xili habeen ah lagu xiray saldhiga mudo saacado ah, iyadoo markii dambe lasoo daayay, kadibna loo musaafuriyay Puntland, gaar ahaan Garoowe oo ku dhaw Laascaanood, sida ay Saraakiil u sheegeen Keydmedia Online.

Lama oga sababta Abuukar ay Ciidamada Somaliland u beegsadeen, maadaama uu u joogay Laascaanood howlo waci-gelin la xiriirta maandooriyaha Qaadka, oo lagu bartay inuu ka sameeyo magaalooyinka dalka Soomaaliya qaarkood.

Xiriirka Somaliland iyo Puntland ayaan fiicnayn, iyagoo ku dagaalamayey mudo dheer Sool iyo Sanaag, waxaana loo maleynayaa in xarigiisa ay qeyb ka tahay xiisadda labada dhinac

KEDYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.