Musharaxiinta oo eedeeyay dowladda Farmaajo

Afhayeenka golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya Danjire Daahir Geelle ayaa eedeyn usoo jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Musharaxiinta oo eedeeyay dowladda Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Golaha ay ku mideysan yihiin midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya in ay wadaan sidii ay madmadow ukala dhex dhigi lahayd, isagana hor keeni lahayd xubnaha golaha midowga musharaxiinta.

Afhayeenka ayaa yiri "Dhanka dowladda haddii aan ka fiirinno waxaa muuqanaya in aysan heshiis xiisaynayn oo ay ku mashquulsan yihiin sida ay Midowga Musharraxiinta madmadoow iyo kala shaki uga dhex abuuri lahaayeen, halka aan annaga ku mashquulsannahay sida ayaga oo heshiis ah noola heshiin lahaayeen!" Waxa uu nasiib wanaag ku tilmaamay in Golaha Midowga Musharraxiinta maalintii lagu dhawaaqayay maanta uu isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan.

Afhayeenka ayaa dowladda usoo jeediyay Talo, waxa uuna yiri "Madaxda dowladda waxaan leennahay wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa la imaada, wadahadalka waa culays badan yahay, sabar iyo dulqaad ayuu u baahanyahay! Annaga dhankeenna, adinka oo nagu duulay, dad naga dilay, xuquuqdeenni dastuuriga ahaa noo diiday ayaan weli wadahadalka u taagannahay. Waxaan rabnaa inaad sabarka naga barataan, nagana barataan in aan dalka lagu kala tagi karin, naga barataan inaan isku qasbannahay!"

Danjire Daahir Geelle oo ah Afhayeenka Golaha midowga musharaxiinta ayaa si gaara ula hadlay madaxeynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo wuxuuna yiri "Walaalkeen Farmaajoow, Soomaali kuma qasbana sida aad rabto oo ah in aad doorasho boob ah qabatid ama aysan dalka doorasho ka dhicin! Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah oo la mid ah kuwi la arki jiray, kana gadisan wixi aad samaynaysay afarti sano ee la soo dhaafay, wayna heli doontaa Insha Allah"

Ugu dambeyntii ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay oraahdan murtida leh "KALAMA TAGI DOONNO, TAADANA KUUMA MARI DOONTO" 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.