Afrik Hotel oo dib loo furey kadib weerarkii Al-Shabaab

Tani ayaa muujineysa adkaysi shacabka Muqdisho ee weeraradda Argagaxisadda.

Warar Keydmedia Online
Afrik Hotel oo dib loo furey kadib weerarkii Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib weerarkii Al-Shabaab afar maalmood kahor, waxaa dib loo furey Afrik hotel oo ku yaalla wadada isku xirta KM4 iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maamulka ayaa shaaciyay in albaabada hotel-ka loo furey macaamiisha Maanta oo Jimco ah.

Tani ayaa muujinaysa in Shacabka Muqdisho ay adkeysi u yeesheen weeraradda Argagaxisadda.

Weerarka Afrik hotel waxaa lagu dilay 11 qof oo Jeneraal Galaal iyo lamaane aroos ahaa ay ku jireen.

Horey ayay Al-Shabaab u weerartay huteello ku yaalla Muqdisho oo maalmo kadib inta la dayactiray dib loo furey.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.