Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan kala kulmeyso xil ka qaadistii Kheyre, iyadoo uu soo shaac baxayo heerkii uu gaarsiisanaa dagaalkii ay kula jirtay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmad oo ka qeyb qaadanayay dood ay qabtay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-DA ayaa shaaciyay doorkii Farmaajo ku lahaa shirqoolkii xilka-qaadista Xasan Cali Kheyre.
Waxuu sheegay in Beesha Caalamka hadii ay rabtay in ay shaqsi gooni ah maalgashato, awooddana isugu geyso, in shaqsigaas meesha laga saaray, taasoo ula jeeday Ra'iisul wasaarihii xilka laga tuuray ee Xasan Cali Kheyre.
"Haddii ay Beesha Caalamku rabtay inay qof maalgashato, oo ay awooddeeda isugu geyneysay, qofkii iyo xukuumaddii uu hoggaaminayayba way tageen, balse haddii ay rabto in hay'ado dastuuri ah oo dhisan garab taagnaato, oo ay dhismahooda kasii qeyb qaadatana waxaa jooga madaxweynihii sharciga ahaa ee Ra'iisul Wasaaraha magacaabay." ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Villa Soomaaliya.
Arintaan ayay dad badan ku tilmaameen in ay banaanka soo dhigeyso heerka dagaalka uu Farmaajo kula jiray Kheyre oo ka feker duwanaa, islamarkaana diidanaa inuu mudo-korarsi sameysto, maadaama dalka u horseedayso fowdo iyo qalalaase siyaasadeed.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments