Agaasimihii Idaacada Xurmo oo geeriyooday

Muqdisho (keymedia)War iminka na soo gaaray ayaa sheegay in xabad wiifta ah ay xarunta idaacada Xurmo ee Magaalada Muqdisho ku dishay Agaasimihii Idaacadaasi Barqad Cawaale Aadan.
Warar Keydmedia Online
Agaasimihii Idaacada Xurmo oo geeriyooday

C/fitaax Macalin Nuur Qeys oo ka mid ah Shaqaalaha Radio Xurmo ayaa u sheegay Keydmedia in Agaasimaha uu ku geeriyooday isbitaalka Madaaina ee Magaalada Muqdisho halkaasoo dhaawac ahaan loo geeyay kolkii hore.

Cawaale ayaa ka tirsanaa Shaqaalihii Radio Muqdisho xiligii ay Dowladii dhexe ka jirtay Dalka, waxaana wayadii danbe la shaqeeyay radio raja oo ay lahaayeen Ciidamadii UNISOM ee Dalka ku sugnaa, waxaana dabayaaqadii 2008-dii uu noqday agaasimaha Idaacada Xurmo ee Magaalada Muqdisho.

Max'ed Cabdi Xuseen(madaale) oo ah Suxufi jooga Muqdisho isla markaana Sanad iyo bar ka soo shaqeeyay idaacadaasi waxa uu sheegay in Barqad uu ahaa dhiira galiyaha dhalinyarada saxaafadda soo galeysa isla markaana Barqad waxa uu ahaa nin jecel dadka firfircoon ee shaqadooda gudan kara.

www.keydmedia.net