Ahlu-suna oo idaacado xirtay

Cabudwaaq(keydmedia) Ciidamada maamulka Ahlu-sunna ee degmada Cabudwaaq ee gobalka Galguduud ayaa waxa ay irdaha isugu dhifteen laba idaacadood oo ka howl galiyay degmada Cabudwaaq ee gobalka Galguduud
News Keydmedia Online

Maamulada idaacadahaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in aanay garan Karin sababta loo xiray idaacadaha iyo waxa ay damacsanyihiin maamulka  Ahlu-sunna.

Ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna ayaa gudaha u galay xarumaha idaacadaha waxaana ay ku amreen idaacadaha in la xiro, waxaana ay irdaha isugu dhifteen xarumaha idaacaddaha.

C/kariin Bulxan oo ka mid ah shaqaalaha Radio C/waaq ayaa sheegay in ciidamada ay gudaha u soo galeen xarunta idaacadda isla markaana ay damiyeen matoorka idaacadda.

Caburinta iyo weerarada lagu hayo xarumaha warbaahinta iyo wariyaasha ayaa mudadanba waxa ay aheyd mid aad u soo laa laabtay isla markaana aanay jirin cid u taagan difaaca Saxaafadda iyo suxufiyiinta, tiyoo ururo isbar bar yaacaya ay hadba meel looga dhawaaqa ayna sheegaan in ay u taagan yihiin difaaca Suxufiyiinta.

 Www.keydmedia.net