Ahlu-suna oo xanibtay qeyba ka mid ah adeegyadii bulshada

Galguduud(Keydmedia) Maamulka ahlu-suna ee ka taliya qeyba ka mid ah gobalka Galguduud ayaa hakad galiyay habsami u socodka qeyba ka mid ah adeegyadii dadweynaha ee ka socday gobalka Galguduud.
Warar Keydmedia Online
Ahlu-suna oo xanibtay qeyba ka mid ah adeegyadii bulshada

Waxaa maalinkii 3-aad xiran oo aan shaqeyneyn adeegyada shirkadaha xaawaladaha, isgaarsiinta iyo korantada ee magaalada dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galguud ee bartahama Soomaaliya.

Waxaa loo aaneynayaa asbaabta ka danbeysa hakinta howlaha bulshada maamulka oo ka dalbaday shirkadaha ku lugta leh ganacsiyadaasi in ay bixiyaan qarashaad badan oo aanay suurta gal aheyn in si fudud lagu dhiibo.

Mudooyinkanba kooxaha awooda ciidan ku leh gudaha Dalka waxa ay ahaayeen kuwa soo saara xili walba amaro ku dhisan maseyr kuwaasoo lagu dhibaateynayo bulshada, waxaana amarkan lagu hakiyay howashan uu yahay mid la eyni ah amaro hore bulshada dhibaata ay kala kulmeen oo ay soo saareen kooxaha ku xoogan dalka.

 

www.keydmedia.net