Ahlu Sunna iyp Al-shabab oo ku dagaalamay Deegaan Hoostaga Ceel-Buur

Ceel-Buur (Keydmedia) - Wararka laga helayo Gobalka Galguduud ee bartamaha Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ahlusunna iyo Kooxda Al-Shabaab-Qaacidda.
Warar Keydmedia Online
Ahlu Sunna iyp Al-shabab oo ku dagaalamay Deegaan Hoostaga Ceel-Buur

Dagaalkan ayaa habeenimadii Xalay Illaa saakay ku dhexmarayay Labada dhinac Gudaha Tuulada Ceel Qooxle oo hoostagta Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galguduud,iyadoo Saraakiisha Ahlu Sunna ay Guulo ka sheegateen Dagaalka.

Taliyaha dhanka Howlgallada Ahlu Sunna C/wali Siyaad ayaa tilmaamay in Dagaalkii ay Xalay la galeen Shabaab-Qaacidda  ay kaga dileen 2 Dagaalyahan halka Tiro kalena ay kaga dhaaweceen.

Qaar ka tirsan Dadka deegaanka Ceel Qooxle ayaa u sheegay Keydmedia in Dagaalka uu uu bilowday kadib markii Ciidamada Ahlusunna oo howlgallo ka sameynayey Tuulada ay isku dheceen Maleeshiyaadka  Al-Shabaab halkaasna uu ka bilowday Dagaal Fool-ka Fool ah.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Goobta lagu dagaalay ay ku sugan yihiin Ciidamada Ahlu Sunna,iyadoo Xaaladduna ay tahay mid Deggan.

Majiro illaa hadda wax War ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Dagaalkaasi.

Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho