Ajaaniib katirsan Al-Shabaab oo Muqdisho lagu maxkamadeynayo

Labadan qof ayaa kasoo jeeda dalalka Malaysia iyo Ingiriiska, waxaana lagu soo eedeeyay inay kamid yihiin Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Ajaaniib katirsan Al-Shabaab oo Muqdisho lagu maxkamadeynayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo nin oo ajnabi ah oo lagu eedeeyay inay katirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab ayaa Maanta lasoo taagey Maxkamadda Ciidanka ee fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho.

Labadan eedeysane oo u dhashay Malaysia iyo Ingiriiska ayaa lagu soo qabtay howlgalka gaar ah, waxayna Maxkamadda kusoo oogtay dembiyo ah inay marka hore dalka qaab sharci darro ah kusoo galeen, kadibna ay ka qeyb qaateen weeraro Al-Shabaab.

Lama shaacin magacyada eedeysaniyaasha, maadaama kiiskooda wali aan go'aan laga gaarin oo dhageysigii ugu horeeyay Maanta lagu sameeyay, waxaana maalmaha soo aadan la filayaa in Maxkamadda go'aan ka gaarto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.