Madaxda DF iyo DG oo heshiis ka gaaray asteynta kuraasta

Keydmedia Online ayaa heshay qodobo ka mid ah heshiiska laga gaaray asteynta kuraasta Golaha Shacabka iyo deegaanada laga soo dooranayo. 

Warar Keydmedia Online
Madaxda DF iyo DG oo heshiis ka gaaray asteynta kuraasta

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada ayaa si hordhac ah isugu afgartay asteynta kuraasta Golaha Shacabka iyo deegaanada laga soo dooranayo oo ah labo deegaan sida Caasimada Dowlad Goboleedka iyo magaalo kale.

Inkastoo aanu weli soo bixin war murtiyeedka rasmiga ah, lana filayo in saacadaha soo socda uu soo baxo ayaa hadana Keydmedia Online heshay xogo ku saabsan sida loo asteeyay kuraasta iyo goobaha lagu soo dooranayo.

Halkan hoose ka eeg Shaxda deegaan doorashada iyo tirada kuraasta sida loogu kala asteeyay:-

Puntland 39 Kursi

1. Garoowe 24 Kursi (Kuraasta Sool, Nugaal iyo Mudug)

2. Boosaaso 15 Kursi (Bari, Qardho iyo Sanaag)

Galmudug 36 Kursi.

1. Dhuusamareeb 24 Kursi
2. Gaalkacyo 12 Kursi

Jubbaland 43 Kursi

1. Kismaayo 27 kursi
2. Gedo (Garbaharey) 16 Kursi.

Hirshabelle 37 Kursi

1 Jowhar 15 Kursi
2. Beledweyne 22 Kursi

Koonfur Galbeed 69 Kursi

1. Baydhabo 44 Kursi
2. Baraawe 25 Kursi

Gobolka Banaadir 51 Kursi

1. Banaadiri 5 kursi
2. Xubnaha Gobolada Waqooyi (Somaliland) 46 Kursi

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.