Akhriso Magacyada Guddiga KMG ah ee loo Magacaabay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Maalinti Shalay waxaa si rasmi ah loo shaaciyay guddi KMG ah oo ka kooban Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kooxda Raaskaambooni ee la wareegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Akhriso Magacyada Guddiga KMG ah ee loo Magacaabay Kismaayo

Guddigaan ayaa magaalada sii Maamuli doona inta laga soo dhameystirayo Maamulka buuxa ee loo soo dhisaayo magaalada Kismaayo.

Xubnaha Guddigaan ayaa waxay kala yihiin:.

1- Gen.Ismaaaciil Saxardiid oo loo Magacaabay Gudoomiyaha Gudiga Amniga

2- Muuse gab oo isna loo magacaabay Gudoomiyaha Gudiga maaliyada

3- Xaaadhuun  oo isna loo magacaabay Gudoomiye Ku xigeenka ahna Maareeyaha Dekada .

4- Cabdi Naasir Seeraar oo Isna loo Magacaabay  Gudoomiyaha Arimaha Bulshada .

5- Aw yuusuf oo isna loo magacaabay  Gudoomiyaha Arimaha samafalka .

6- Macalin xaashi isna waxaaa loo magacaabay Ku xigeenka Arimaha Samafalka

7-Xujaale oo loo magacaabay Gudoomiyaha garsoorka Ku xigeenkiisana Axmed Carab .

Keydmedia Online - Xafiiska, Kismaayo




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.