Al-Shabaab oo Siddeed ruux ku toogtay Shabeellaha hoose

Al-Shabaab ayaa Siddeed ruux ku toogtay degaanka Kuunyo Barroow ee gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ay caro xooggan ka qaadeen xubno ka tirsanaa oo lagu laayay Puntland.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo Siddeed ruux ku toogtay Shabeellaha hoose

KUUNYO-BARROW, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa toogasho wadareedkii Saddexaad sameysay todobaadkaan, waxayna goob fagaaro ah ku laayeen Siddeed ruux, degaanka Kuunyo Barroow ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dhamaan dadkaan la toogtay waxaa lagu edeeyay in ay basaasiin u ahaayeen Sirdoonka Mareykana ee CIA, waxaana ka sii horreeyay 16 ruux oo Al-Shabaab ku kala toogteen Buula Fuulay oo ku taalla gobolka Bay iyo Saakoow oo dhacda Jubbada dhexe.

24-ka qof ee Al-Shabaab dileen todobaadkkaan, waxaa la rumeysan yahay in ay ugu aarayeen, xubnahoodii lagu togtay Puntland, kuwaas oo lagu helay in ay muddo dheer ka shaqeynayeen amni darrada gobolka Mudug.

Siddeedda qof, ee shalay la laayaya, ayaa kala ah; Calas Cali Cabdulle, Cabdiwaaxid Cabdullaahi Diiriye, Cabdiqaadir Maxamed Abow, Abuu Cabdinuur fanaay Abuu Weershe, Cumar Cabdiraxmaan Cumar Dooyow, Xasan Cabdulqaadir Cumar, Abuukar Cabdi Cumar Abuukar iyo Jeylaani Mayow Sheekhunaa.

Ma aha markii koobaad oo Al-Shabaab ay fagaaroo ku taago shaqsiyaad ay ku eedeeyeen in ay u shaqeynayen sirdoonka Mareykanka, waana eed ay qoorta ku suraan qof walba oo iayaga ka ra’yi duwan.

Mareykanka, Dowladda Fadaraalka, iyo Maamullada Jubbaland iyo Koofur galbeed, ayaa ilaa hadda ka hadlin dadka ay Al-Shabaab ku laayeen gobollada Bay, Shabeellaga hoose iyo Jubbada dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.