Al-Shabaab gudaha Kenya weerar ka fulin rabey oo la dilay

Ciidanka KDF waxay xoojiyeen roondooyinka degaanka, si ay u nabadeeyaan aagga ku dhaw xadka Soomaaliya, si looga takhaluso argagixisada Al Shabaab.

News Keydmedia Online
Al-Shabaab gudaha Kenya weerar ka fulin rabey oo la dilay

NAIROBI, Kenya - Afar ka mid ah Al-Shabaab ayaa Sabtida maanta ah lagu dilay dagaal ay kula galeen Askarta Kenya, kaasoo ka dhacay Keymaha Boni ee gobolka Lamu, oo ku dhaw xuduuda Soomaaliya.

War ka soo baxay militeriga Kenya ayaa lagu sheegay in xubnaha la dilay subaxnimadii Sabtida markii ay isku dayeen in ay u gudbaan dhanka dalkaasi.

Kenya waxay sheegtay in dagaalyahano kale ay la baxsadeen dhaawacyo badan oo soo gaaray, iyagoo galay dalka Soomaaliya kadib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada KDF.

Ma jiro wax dhaawac ah oo soo gaaray askarta KDF intii uu socday dagaalka. KDF - Ciidanka difaaca Kenya waxay sheegtay in ay sare u qaaday ammaanka Lamu si looga hortago kooxda argagixisada ah ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Ciidanka KDF waxay xoojiyeen roondooyinka degaanka, si ay u nabadeeyaan aagga ku dhaw xadka Soomaaliya, si looga takhaluso argagixisada Al Shabaab.

Kenya ayaa la kulantay weeraradii ugu dhimashada badnaa ee Al-Shabaab tan iyo markii Ciidankeeda galeen Soomaaliya 2011.

Ciidamada Kenya ayaa gudaha u galay Soomaaliya 14-kii October ee sanadkii 2011-kii, iyagoo ka jawaabayay weeraro kaga yimid Al-Shabaab, kuwaasoo falal afduub iyo weeraro ah ka geystay degaanno kala duwan oo dalka ka tirsan, gaar ahaan dhulka xeebaha ah.

Sannadkii 2012-kii, KDF waxa ay ku biirtay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), waxaana tan iyo xilligaas ay ka barbar shaqeynayeen Ciidamada Burundi, Itoobiya, Jabuuti iyo Uganda.

Maleeshiyada Al-Shabaab, ee Al-Qacida ee xiriirka la leh, ayaa sidoo kale weerarro waaweyn ka geystay gobolka Waqooyi iyo Caasimadda Nairobi, kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.