Al-Shabaab oo dil toogasho ah ku fulisay Oday 87 jir ah

Dad badan oo Caruur iyo dumar ay ku jiraan ayaa lagu qasbay inay daawadaan toogashadda Odayga, oo meel fagaare ah lagu dilay.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo dil toogasho ah ku fulisay Oday 87 jir ah

CEELBUUR, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah, oo ku yaalla degmada Ceelbuur ku toogatay shalay gelinkii dambe Oday Soomaaliyeed, oo ay ku eedeeyeen inuu u gefay Nebi Maxamed NNKH.

Odayga oo lagu magacaabi jiray Xasan Tooxoow Fiidoow oo 87 sano jir ahaa, ayaa sida ay sheegtay Al-Shabaab aflagaadeeyay Nebiga SCW, isagoo ku sugan degaanka Xiindheere, kadibna Maxkamadda ay xukun dil ah ku xukuntay.

Ninkan oo sidoo kale ku magac-dheeraa Xasan Lug-lug ayaa waxay Al-Shabaab sheegtay in hadda kahor isagoo wareysi siinayay Idaacad la waydiiyay inuu garanayo Abtirsiga Nebiga NNKH, kadibna uu ku jawaabey "markaan baranayo abtirsigiisa, ma anigaa hooyadiisa ka dhalay".

Al-Shabaab ayaa u cuskatay xukunka dilka Maraqaatiyo labo ah, oo ku noolaa degaanka laga soo qabtay Xasan Lug-lug, kuwaasoo sheegay inay maqlayeen marka uu aflagaadeynayay Nebiga NNKH. Ma jirto cid baartay caafimaadka maskaxda odayga iyo aqoontiisa diinta.

Waxaa jira dad badan oo ku nool miyiga, oo iska weynaaday iyadoo aan la barin diinta, aqoona u lahayn kuwaasoo u baahan in la gaarsiiyo risaaladda loo soo dhiibay Nebiga SCW, taasoo mas'uuliyad ka saaran tahay Culimada, maadaama ay yihiin dadka naxlay Anbiyadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.