Al-Shabaab oo iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil

Kooxda Al-Shabaab, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadalkii ka soo yeeray NISA ee ku aaddana in ay ka danbeeyeen dilka Ikraan Tahliil.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay dilka AUN Ikraan Tahliil Faarax, oo hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay xalay sheegtay in Ikraan ay ku baxday gacanta kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

War ka soo baxay laamaha Amniga Al-Shabaab, ayaa lagu yiri, “Kama dammbeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay'adda NISA, layaab ayeyna nagu noqotay in sir-doonka dowladda ridada nagu masabiddo dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay".

Hadalka Al-Shabaab, ayaa noqday sida ay saadaalinayeen dad badan oo u dhuun-duleela arrimaha Sir-doonka, kuwaas oo hore u sheegay in Fahad Yaasiin uu masuul ka yahay afduubka iyo dilka Ikraan.

Fahad Yaasiin, oo ah shaqsiga ugu sareeya argagaxisada magaca Dowladda wadata, ayaa isku dayay in uu Al-Shabaab kula heshiiyo sheegashada dilka Ikraan, hayeeshee, waxaa qorshahaas ka hor yimid masuuliyiin kooxdaas ka tirsan oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel, oo ay ku abtirsato Ikraan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.