Al-Shabaab oo kordhisay dilka dadka

Kooxdan oo mudo ka badan 10 sano qaraxyo, dilal iyo dagaallo kawada Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay dalka xoog ku qabsato, oo ay afgembiso nidaamka dowladeed.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo kordhisay dilka dadka

KAMSUUMA, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma, ee gobolka Jubbada Hoose, ee koonfurta Soomaaliya ku toogatay labo qof maalintii shalay.

C/llaahi Ooyow oo 20 jir ahaa iyo C/llaahi Maxamed oo 24 jir ahaa ayaa lagu fuliyay xukun dil ah oo Maxkamadda Al-Shabaab ku riday kadib markii lagu eedeeyay dembiyo kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in C/llaahi Ooyow uu farxumeeyay wiil yar oo 5 jir ah, halka C/llaahi Maxamed lagu eedeeyay inuu ahaa askar katirsan Ciidanka maamulka Jubbaland.

Waa toogashii labaad oo mudo labo maalin gudahooda ay Al-Shabaab ku fulisay afar qof, kuwaasoo aan helin cadaalad fiican iyo qareenno u doodey inta la maxkamadeynayay.

Maalintii Talaadada, fageero ku yaalla Jamaame isla gobolka Jubba Hoose ayay Al-Shabaab ku toogatay labo qof, iyadoo ay daawanayeen dadweyne lasoo qasbay. [Halkan ka akhri].

Al-Shabaab oo Al-Qaacida ku biirtay 2012 ayaa kordhisay dilka dadka xili abaar iyo biyo la'aan ka jiraan degaano badan oo katirsan gobolka Jubba Hoose ee toogashadda ka fulinayso, halkaasoo dad iyo duunyo ay ku dhimanayaan. [Halkan ka akhri abaarta]

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.