Kooxda Al-Shabaab oo kordhisay dhibaatooyinka gobolka Bakool

Maamulka Farmaajo, ee waqtigu ka dhamaaday, wuxuu iska indha tiray dhibaatada ay wajahayaan shacabka gobolka Bakool, halka Hoggaamiyaha Koofur Galbeed uu ku fashilmay wax ka qabashada kadeedka ay Kooxda Al-Shabaab ku hayaan shacabka. 

Warar Keydmedia Online
Kooxda Al-Shabaab oo kordhisay dhibaatooyinka gobolka Bakool

BAKOOL, Soomaaliya - Dhibaato bani'aadamnimo oo aad u daran ayaa ka jirta degaannada gobolka Bakool, Kooxda Al-Shabaab ayaana shacabka ku qasbaya in ay ka barakacaan tuulooyin ay in muddo ah ku noolaayeen.

Degmooyinka Xudur iyo Waajid, ayaa go’doonsanaa muddo Siddeed sano ah, hayeshee tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore dadka degaanka ayaa lagu qasbayay in ay ka guuraan magaalooyinka, isla markaana Al-Shabaab ayaa xoojiyay cunaqabateenta degmooyinka, waxayna gooyeen waddo kasta oo gasha, si aan wax maciishad loo geyn  Xudur iyo Waajid.

Guud ahaan maciishadaha kala duwan ee la geeyo gobolka Bakool, ayaa lagu daabulaa  diyaarado, taas oo sababtay shicir-barar midkii ugu weynaa ee ka dhaca gobolka in muddo ah.

Shacabka oo la daalaa dhacayay dhibka aysan xamilo karin, ee go’doominta iyo cunaqabateynta guud ee saran gobolka gaar ahaan magaalooyinkii indhaha u ahaa degaannada, ayay Al-Shabaab, mar kale soo saareen amar ay dadka ku qabayaan in ay barakacaan tuulooyinka.

Dadka ayaa intooda badan u guray degaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaana si joogto ah loo dhibaateeyaa qoysaska isku daya in ay si dhuumaaleysi ah ugu guuraan magaalooyinka waaweyn ee maddada dheer go’doonsan.

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Maamul gobolleedka Koofur Galbed, ayaa iska indha tiray dhibaatooyinka uu shacabku wajahayo, Maamulkii Farmaajo ee waqtigu ka dhamaaday ayaana ciidankii loogu tala galay xoraynta Bakool, u adeegsaday dan gaar ah iyo hurinta colaado sokeeye.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.