Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Mashalaay

Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka loo yaqaan Mashalaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo xarun u ahayd ciidamda AMISOM

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Mashalaay

MASHALAAY, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay goob ay si rasmi ah ula wareegtay, halkaasoo ahayd xarun ay ku sugnaayeen Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku taalla deegaanka Mashalaay oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Mashalaay ayaa waxay dhacdaa inta u dhaxaysa Qoryooley iyo Buula-mareer oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo Ciidamada AMISOM horay u joogeen, kuwaasoo gacanta ku hayay amniga deegaankaasi.

Lama oga sababta keentay bixitaanka Ciidamadaas, waxayna u jiheysteen goob kale oo ay AMISOM xarun ku leedahay, iyadoo inta badan deegaanada ay isaga baxaan Ciidamada iyo kuwa ay la wareegto kuwa kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro wax weerar ah oo ka dhacay xerada ay ka guureen iyo aagga ku dhaw Mashalaay, waxaana si nabada ay uga baxeen Ciidamada, iyadoo markaa kaddibna ay goobta gaareen Malleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.