Magacyada iyo Muuqaalka raggii weeraray Dusit hotel

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 21 qof oo ku sugnaa dhismaha, kuwaasoo ay ku jireen dad kasoo jeeda dalalka reer galbeedka, sida Mareykanka.

Warar Keydmedia Online
Magacyada iyo Muuqaalka raggii weeraray Dusit hotel

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhawaad labo sano kadib soo bandhigtay muuqaalka 5 nin oo ay sheegtay inay ahaayeen kuwii fuliyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaadey dhismaha Dusit D2 hotel ee magaaladda Nairobi 15-kii January 2019.

Waxay isagu jiraan 3 Kenya u dhashay iyo Labo Soomaali ah, kuwaasoo magacayadooda kala ah: Ali Salim Gichunge [Abu Sakeena], Osman Ahmed Hassan Azzam, Mahir Khalid Riziki Jibril [Simba], Muhammad Adan Nur Farhan Yare iyo Abdulqani Arab Yusuf Farhan Dheere.

Kooxdan ayaa kasoo muuqday Video laga duubay maalin kahor weerarka iyagoo ku cunteynaya, ku cabaya, kuna daawanaya muuqaalka Osmana Bin Laden guri ku yaalla degaanka Guango, oo ku yaalla duleedka magaaladda Nairobi.

Al-Shabaab ayaa ugu tala-gashay muuqaalka inay ku cabsi geliso shacabka iyo dowladda Kenya, oo maalmo kadib xusaya dadkii uga dhintay weerarkii Dusit hotel, waxayna sidoo kale fariintan diraysaa inay Kooxda wali damacsan tahay ficilo kale.

Kenya ayaa kadib markii Ciidanka usoo dirtay Soomaaliya 2011 la kulantay weeraro waaweyn oo ay kamid ahaayeen kuwa lagu qaadey Westgate mall, Jaamacadda Gaarissa iyo Dusit D2 hotel oo lqgu dilay boqolaal qof.

Al-Shabaab ayaa ku leh Kenya garab uga dagaalama, oo lagu magacaabo Jeyshul Ayman, oo xubno ka ah dhalinyaro u dhashay dalkaas oo badankood u galay Kooxda arrimo dhaqaale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.