Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii Gaalkacyo

Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegay mas'uuliyadda weerarkii Gaalkacyo ee lagu laayay Saraakiil Galmudug ka tirsan.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii Gaalkacyo

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Geeska Afrika, sidoo kalena dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna caan baxday Xasuuqa dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay dusha saarteen mas'uuliyadda weerarkii lagu laayay Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Galmudug kaasoo ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Afhayeenka kooxdaasi oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyay weerarkii maalin kahor ka dhacay Gaalkacyo kaasoo dad badani ay ku dhinteen, sida la xaqiijiyay 14 qof oo ka kooban saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad, askar kale, iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, Afhayeenka ayaa sheegay in qorshaha weerarkaasi uu ahaa in lagu khaarajiyo Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya oo goobta kusoo beegnaa daqiiqado kahor.

Balse waxa uu sheegay in qorshihii weerarka aan lagu khasaarin, isla markaana lagu dilay xubno kale oo aad muhiim u ahaa sida uu yiri Afhayeenka, AUN waxaa weerarkaasi lagu dilay Saraakiil ay kamid yihiin Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Kumaandoosta DANAB ee Qaybta 21-aad, Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliye Kuxigeenkii Kumaandoosta DANAB Marsha Mire, sarkaal kale oo ka tirsanaa Qaybta 21-aad kaasoo lagu magacaabo Axmed Baaraaf, Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey iyo saraakiil kale.

Sheegashada ayaa kusoo aadeysa maalin kaddib markii uu qaraxa dhacay, iyadoo ficillada ismiidaaminta ah lagu yaqaan kooxda Al-Shabaab, horayna loogu eedeeyay in ay iyagu ka dambeeyaan falkan foosha xun ee lagu xasuuqay Askar iyo Shacab.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay laba qarax oo maalmo uun u dhaxeeya, waxayna taasi muujineysaa habacsanaan ka jirta dhinca maamulka gaar ahaan qolyaha ka shaqeeya Ammaanka Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.