Al-shabaab oo lamaane ifka isugu jeclaa kala kaxeysay

Mudooyinkii Ugu Dambeeyey Soomaalida Waxaa Dhagahooda Ku Batay Kooxda Shabaab Fal Arxan Daro ah oo ay Sameeyeen Sida, Dad Lugo iyo Gacmo Laga Jaray, Dad Dil Toogasho Lagu Xukumay, Kuwo La Garbaashay,Qaar Dhagax Lagu Dilay, In Badan oo Bam Lagu Laayay Dhamaan Waa Falal Naxdin Ku Rebay Shacabka Maqalkoodana Ka Batay.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo lamaane ifka isugu jeclaa kala kaxeysay

Balse Wali Ma Maqashay Shabaab oo Lamaane Is Jacel Kala Fogeeyey Waa Qiso Cajiib ah Isla Markaana Si Dhab ah u Dhacday, Waxa ayna Ku Bilaabaneysaa Sidan.

Maslax Waa Wiil Dhalinyaro ah Waxa uu Xariir Jaceyl oo Si Qoto Dheer Salka Loogu Aasay Kala Dhaxeeyaa Hani oo Xaafad ay Wada Dagan Yihiin Isla Markaana Jaceylkooda Yaraantii Kusoo Bilowday Waxa ay Ahaayeen Lamaane Si Dhab ah Isu Jacel Waxa ay Aaminsanaayeen In Cid Soo Dhax Gali Kartaa aysan Jirin Jaceylkooda.

Maslax Oo Aad Ugu Kalsooni Qabay Jaceylkiisa Ayaa Go,aansaday in uu aado Safar Dhanka Dalka Kenya Si uu Xoogaa Bal usoo Xamaasho oo uu Isku Dayo Sidii uu u Mideyn Lahaa Jaceylka Kala Dhaxeeya Gacalisadiisa Hani, Maadaama uu Yahay Ninka Raga ee Laga Rabo in Reer Hadii La Dhisayo un uu Dhidibada u Taago,

Hani aad Bey Ula Dhacday Hadafka uu Wato Gacaliyaheeda Maslax Ayadoo aaminsan in uu Yahay Nin Garti Leh oo Kasoo Dhalaali Karta Balanta uu Ka Qaado.

Maslax Waxa uu u Amba Baxay Dalka Kenya Gaar Ahaan Caasimada Wadanka Nairobi Ayado Malmo Kadibna uu Gaaray, Waxa uu Nasiib u Helay in uu Shaqo Ka Helo Maqaaxi uu Lahaa Abtigii La Dhashay Hooyadii, Maslax Waxa uu Guda Galay Howshaa,Asagoo Dadaal Dheer u Galay Sidii u Sameyn San Lahaa Dhaqaalo Fiican uu Dalkiisa Kula Laabto,

Maslax iyo Hani Waxa ay Sii Waten Xariirkooda Ayagoo Kuwada Xariiri Jiray Siyaabo Walba oo u Fudud Labadooda,Wallow Qad Internet aysan Isku Arki Karin Maadaama Maslax uu Ahaa Nin Inta Badan Shaqeeya, Mashquulna Ku Ahaa Xamaali.

Maslax Waxa uu Xoogaa Shaqeystay Dhaqaalo Yar oo Ku Filan Waxa uuna Mudo Joogay Dalka Kenya Waxa uu Usoo aaday Dhanka iyo Magaaladii Muqdisho oo ay Ku Nooleyd Gabadhii uu Jeclaa iyo Dhamaan Reerkiisa, Waxa uuna Yimid Xaafadii Farxad Heer Sare ah Ayaa Lagu Soo Dhaweeyey, Ayadoo Dhamaan Asxaabtiisa iyo Reerkiisa Laga Dareemay Farxada, Ayadoo Si Gaar ah Farxada u Saameyneysay Hani iyo Maslax oo Mudo Isku Hamuun Qabay Runtii Mudo Fara Badan ayey Isku Soo Samreen Iskuna Soo Dulqaateen,

Maslax Waxa uu Markaan Go,aansaday in uu Soo Gaba Gabeeyo Jaceylkii Mudada Dheer ay Soo Wadeen, Waxa uu Durabadiiba Isku Duba Riday Ergo u Doona Gabadha oo isugu Jiray Wiilal Walaalahii ahaa oo Asaga Ka Weynaa iyo Gabadha Habaryarteed oo Ayadana Sheekada La Waday.

Intii Lagu Guda Jiray Qaban Qaabadii iyo Diyaar Garowka ayaa Waxaa Dhacday Arin aad u Naxdin Badneyd Tallow Maxey Tahay.

Ciidamo Wajiyada u Duuban Yihiin oo Wata Hub Farabadan iyo Labo Gaari ayaa Waxa ay Xoog Ku Galeen Dugsi Qur,aan uu Macalin Ka ahaa Hani Aabaheed Waxa ay Banaankii usoo Saareen Dhamaan Ardadii Dugsi Ku Jiray Waxa ay Sheeko Dheer La Qaateen, Macalinka Waxa ay Ka Codsadeen in uu Siiyo Gabadha Hani ah uu Dhalay Isla Markaana ay Ishaarada Kusoo Dhacday,

Macalinkii Waxa uu Yiri Jaanis isiiya aan Gabadha ku Weydiiyo in aad Istaqaanaan iyo In Kale, Waxaa Lagu Yiri Adeer Mujaahidiinta Xeerkoodu Sidaa Ma ahan ee Gabadha nagu Mehri Hada,

Macalinkii Wax Walba oo uu suubiyo Ayuu Waayey Waxa Lagu soo Riday Gaarigii Waxaana La Keenay Gurigii Maleeshiyadii iyo Sheekh La Socday Macalinkii oo Afduuban ayaa Gurigii Soo Wada Galay Dhamaan Cidii Argagax Ayaa Ku Dhashay Waxaa Dhamaan Lagu Amaray in ay Fariistaan Marqaatina ay Ka Noqdaan Meherka Qasabka ah ee Hani Hadii ay Diidaana ay Waayi Doodaan Nafta Abahood.

Reerkii Dhamaan Naxdin ayaa Gashay Wax ay Sameeyaan Malahan,Majirto Awood ay Wax Isaga Qabtaan Waxa Sidaa Ula Dhaqmaya Waa Wadaadii Diinta u Dagaalamayey, Ayagoo Wada Taagan Ayaa Si Qasab ah Lagu Ka Xeystay Hani,

Sheekadii Waxa ay Gaartay Maslax Naxdin iyo Afariir Ayaa Kasoo Haray Ma Yaqaano Meel uu Raaco,Hadii uu Raadin Lahaa Runtii Cidii Daba Kacdaana Waa Dil Ma Jirto Xitaa Xabsi Maslax Naftaa Ku Yaraatay Waxa uu Is Yiri Maxaaba Aduun Laguu Keenay Allow Dhib Badanaa Ruux aad Mudo Jecleyd ee aad Isku Diyaarineysay Guurkiisa Koox Kaa Awood Badan Kaa Ka Xeystaan Walle Waa Dhibato,

Maslax Waxa uu Ku Sigtay in Waasho oo uu Waaw Dhaho Nolosha Cariiri Ku Noqtay Magaaladii ayaa Culeys Ku Noqotay Waxa uu Go,aansaday in uu Dalka Isaga Soo Tago Guud Ahaan Dalka Soomaaliya, Waxaana uu Iminka Ku Nool Yahay Dalka K/africa, Ilaa Iminkana Ma Jirto Meel uu Ku Sheeko Gabadhii uu Jeclaa ee Hani Aheyd.

Isha Xogta: Allbanaadir.com