Al-shabaab oo weeraray fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Deeganka Calamada

Muqdisho (KON) - Wararka laga helayo deegaanka Calamada ee uu dhaxeeya Lafoole iyo Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in fariisimo Ciidamada Doowladda Soomaalia iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Calamada ay Weerar kusoo qadeen Maleeshiyada Al-shabaab.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo weeraray fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Deeganka Calamada

Weerarka ayaa Xalay saqdii dhaxe lagu qaaday Fariisimaha Ciidamada Dowladda Soomaalia iyo kuwa Amisom ay ku lahayeen halkasi,a yadoona la maqlayey Dhawaqa Hubka Culus iyo kan fudud oo ay labada dhinac ay is weydarsanayeen.
 
Iska Hor imaadka oo mudo kooban socday ayaan la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
 
Saraakiisha Ciidamada Doowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaan wali ka hadlin werarkasi, ayadoona maleeshiyada Al shabaab ay sheegteen masuuliyada weerarkasi.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.