Al shabaab oo laga saaray G/Hiiraan & Wadooyinkii xirnaa oo la furay {Dhageyso}

Buulo Burde (KON) - Mas'uuliyiinta DFS ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda & AMISOM ay Kooxda Al shabaab ka saareen gedi ahaanba Gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Al shabaab oo laga saaray G/Hiiraan & Wadooyinkii xirnaa oo la furay {Dhageyso}

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, C/fitaax Xasan Afrax ayaa Radio Kulimiye u sheegay aysan jirin Degmo ay hadda Al shabaab ka joogaan Gobolkaasi, isagoo dhanka kale sheegay inay fureen Wadooyinkii xirnaa.

Wuxuu xusay in Gaadiid wada Raashiin Gargaar ah oo ka yimid dalka Jabuuti ay dhanka dhulka u mariyeen Shalay Degmada Buulo Burde oo mudo ku dhaw 6 Bilood go'doonsanayd, kadib markii ay Al shabaab xireen Wadooyinka isku xira Degmooyinka Gobolka.

"Maanta waxaan kuu xaqiijin karaa inaysan jirin Goob ay Al shabaab uga sugan yihiin dhamaan Gobolka Hiiraan, waxaan hadda Safar dhanka dhulka ah ku marayaa Deegaanada Garisyaani & Halgan, anigoo ka yimid Beledweyne, kuna sii jeeda Buulo Burde oo aan Raashiin Gargaar ah u sido Shacabka dhiban," ayuu yiri C/fitaax Xasan Afrax.

Gudoomiyaha ayaasidoo kale tilmaamay in 300-Tone oo Cunto Gargaar ah oo Dowladda Jabuuti ka yimid ay gaarsiiyeen Degmada Buulo Burde, halkaasi oo ugu qeybin doonaan Shacabka dhibaataysan ee ay Al shabaab go'doomiyeen, markii ay Ciidanka DFS & AMISOM la wareegeen Bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Wareysiga Gudoomiyaha G/Hiiraan:




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.