Alshabaab iyo reer Sh.dhexe oo isu hub guranaya

JAWHAR(KEYDMEDIA) Wararka laga helayo qeyba ka mid ah gobalka Sh.dhexe ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo xoog leh ay u dhaxeyso kooxda Shabaab iyo dadka ku nool deegaanka cadcadeey oo hoostaga degmada Jawhar ee gobalka Sh.dhexe.
Warar Keydmedia Online
Alshabaab iyo reer Sh.dhexe oo isu hub guranaya

Xiisada ayaa la sheegay in ay ka danbeysay kadib markii Alshabaab ay ku amreen dadka ku nool deegaankaasi in qoys walba uu keeno wiil ka qeyb gala dagaalka ay Alshabaab kula jiraan Amisom iyo dowlada Shariifyada.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in Shabaab cida aan heysan wiil dagaalka ka qeyb gali kara lagu amray bixinta laba neef oo geel ah.

Talaabadan ayaa muujineysa in shabaab ay dib u soo abaabulayaan dagaalkii ay ku caan baxeen xiliga ramadaanka.

WWW.KEYDMEDIA.NET