Alshabaab oo Buurhakaba nin ku gawracday

BUURHAKABA(KEYDMEDIA) Kooxda Shabaab ayaa degmada Buurhakaba ee gobalka Bay waxa ay habeenkii xalay ahaa ku gawracday nin lagu magacaabo Cismaan Cumar oo ay sheegeen inuu jidgooyo dhiganayay wadada isku xirta Sh.hoose iyo Bay.
Warar Keydmedia Online
Alshabaab oo Buurhakaba nin ku gawracday

Horjooge ka tirsan shabaab ayaa u sheegay idaacada Undulus ee codka  SHABAAB  ku hadasha in ujeedada laga lahaa gawracan in ay tahay ku waana qaadashada dad kale oo ay sheegeen in ay wali isbaaro dhigtaan.

Ninkan ay shabaab xalay gawraceen ayaa noqonaya kii afaraad ee ay Alshabaab gowracaan muda maalma ah gudahood iyagoona shalay nin ku qalay inta u dhaxeysa leego iyo Walaweyn iyagoona sidoo kale sabtidii soo dhigay wadada degmada Afgooye iyo Marko xiriirisa meydka laba nin oo ay madaxa ka jareen 

waxaana si cad u muuqaneysa in Alshabaab gacan iyo lug jaridi ay ku badaleen madax goyn.

.

www.keydmedia.net