Amarro culus oo ay soo rogtay Dowladda Federaalka

Warbixinta maalinlaha ah ee Covid-19, ayay dowladdu ku sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay, dalka laga helay 231 qof oo 174 ka mid ah ay ku sugan yihiin Somaliland, gobolka Banadir waxaa laga diiwaan galiyay 23 ruux, Puntland 21, Galmudug 7, Jubbaland 5,  Hirshabelle 1.

Warar Keydmedia Online
Amarro culus oo ay soo rogtay Dowladda Federaalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya, aya xaqiijisay in cudurka COVID-19 uu markii sadexaad dib ugu soo laabtay dalka, inkastoo aysan caddayn nooca Viruska, hadana Wasaaadda Cafimaadka, aya ku dhawaaqday in loo baahan yahay dhaqam galinta nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta caabuga COVID-19 iyo Talooyinka Wasaardda Caafimaadka.

Dowladdu waxa ay sheegtay, in ay ka walaacsan xaaladda isa soo tareysa ee dib u soo laabashada caabuga COVID-19, waxay soo jeedisay in dalka gudihilsa si adag looga dhaqan galiyo talooyinka ay soo jeedisay Wasaaradda Caafimaadka.

Dowladdu, waxa ay amar ku bixisay in la dhimo ama la xaddido isu-socodka iyo kulamada marka laga reebo kuwa aan laga maarmi karin, waxayna ku dhawaaqday in ay soo saari donto bandaw habeenkii ah oo ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada soo xadidi doonaan wagtigiisa.

Dadweynah, ayaa lagu booriyay in ay si adag u dhaqan galiyaan isticmaalka afsirka iyo kala fogaanshaha, halka qof walba oo ka dhoofaya ama imaanaaya dalka la faray inuu haysto shahaaddada cadeynta baarista COVID-19 (Negative PCR Test Certificate).

Dhamaan musaafiriinta kasoo safraya mid ka mid ah dalalka Uganda, India, Bangaladesh, Nebal, Sirilanka, Brazil, Mexico, South Africa, Boqortooyada Sacuudiga, liraan iyo Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay in ay 14 kii maalmood karaantiil ku gali doonaamn goobo gaar ah.

Warbixinta maalinlaha ah ee Covid-19, ayay dowladdu ku sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay, dalka laga helay 231 qof oo 174 ka mid ah ay ku sugan yihiin Somaliland, gobolka Banadir waxaa laga diiwaan galiyay 23 ruux, Puntland 21, Galmudug 7, Jubbaland 5,  Hirshabelle 1.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.