Amb.C/asiis: Somaliyeey u taalaa Maamul u Sameenta Jubooyinka

Muqdisho (KON) - Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Ambasador C/asiis Axmed Aadan oo la Hadley Saxaafada ayaa sheegey maamul u sameento Gobolada Jubooyinka in ay u quseeso Dowladda Soomaaliya oo kali ah.
Warar Keydmedia Online
Amb.C/asiis: Somaliyeey u taalaa Maamul u Sameenta Jubooyinka

Ambasador C/asiis ayaa waxa uu tilmaamey Soomaaliya iyo Ethiopia ay ka xubin ka yihiin urur Goboleedka Igad laakiin dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay in aysan kala tashan Dowladaha kale ee xubinta ka ah Igad mamaul u sameynta Qeybo ka mid ah dalkeeda waxa uuna sidoo kale carabka ku dhuftey in Soomaaliya u madax banaan tahay Arimaheeda garaka ah .

Dhanka kale Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Cabdi Casiis Axmed aadan ayaa sheegey in dowladda Ethiopia aad ugu faraxsan tahay ansixintii xukuumada saacid ayna aad u soo dhaweenayaan .

Ambasdoorka ayaa sidoo kale waxa uu xusey in Golaha wasiirada ee Ra’iisulwasaare Saacid uu soo dhisey ay tahay  mid aad u kooban oo tayo leh rabataanka shacabkana ku timaadey .

Dowladda Ethiopia ayaa waxa ay qeyb ka aheyd  dowladaha Sanadihii dambe Dowladda soomaaliya Taageerada Militry u fidiyey .

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi