AMISOM oo isku diyaarineysa ka bixitaanka Soomaaliya

Saddexda bilood ee soo socota ayay guddi ka socda dowladda Soomaaliya iyo Midowga Africa, diyaarin doonaan warbixin ku aadan la wareegitaanka amniga dalka ee ciidamada Soomaaliya, taas oo natiijadeeda loo gudbin doono Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo isku diyaarineysa ka bixitaanka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Muqdisho shir uga furay Guddi Farsamo oo ka kala Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika. Guddi Farsamo oo ka kala Socda Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa maanta shir uga furmay Muqdisho.

Xubnaha guddigan ayaa si wadajir ah uga soo shaqeyn doona diyaarinta qorshe howleed ku aadan sidii dowladda Soomaaliya ay ula wareegi leheyd Amniga guud ee Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in guddigaan uu ka shaqeyn doono sidii sannadka 2022-ka ay AMISOM ammaanka guud ee dalka ugu wareejin laheyd Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Saddexda bilood ee soo socota ayay guddigan diyaarin doonaan warbixin ku aadan la wareegitaanka amniga qaranka ee ciidamada Soomaaliya, taas oo loo gudbin doono Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Wasiirka ayaa xusay in guddigaan garabka ka socda dowladda Soomaaliya laga soo kala xulay wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha.

Dhowr mar oo hore oo uu idlaaday waqttiga joogitaanka ciidamada ku howlgala magaca AMISOM ayaa la kordhiyay, tanina waxay dadka qaar ku sheegayaan inay kaliya tahay hadal uun.  

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa aragti ahaan qaba in dhaqaalaha ku baxa AMISOM ay habboonaan laheyd in loo qoondeeyo Ciidamada Soomaaliya, taas oo ay rumeysan yihiin inay wax badan ka beddeleyso amniga guud ee dalka, Inkastoo wadamada ku socda AMISOM ay u tahay joogitaankooda Soomaaliya kaliya inay ka shaqeystaan oo ay dhaqaale ku helaan, halkii ay ka qeyb qaadan lahaayeen la dagaallanka Al-shabaab. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.