AMISOM oo ka shirtay amniga doorashooyinka Soomaaliya

Taliyayaasha AMISOM waxa ay natiijada ka soo baxday kulankan la wadaagi doonnaan saraakiisha Ciidamada amniga dowladda iyo saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah.

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo ka shirtay amniga doorashooyinka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan labo maalin socday oo ka dhacay Muqdisho toddobaadkan oo ay yeesheen taliyayaasha militariga AMISOM ayay ku qiimeeyeen horumarka ilaa hadda laga gaaray hawlgallada, qorshaha kala-guurka Soomaaliya iyo hirgelinta Qaraarka Gollaha ammaanka ee QM ee tirsigiisu yahay 2568 kaasoo oo baxay 2021.

Waxay isla garteen taliyayaasha in la dardargeliyo dhaqangelinta howlgallada wadajirka ah ee ay AMISOM la sameynayso Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA), si kor loogu qaado amniga doorashooyinka.

Taliyayaasha AMISOM waxa ay natiijada ka soo baxday kulankan la wadaagi doonnaan Saraakiisha Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

 "Waxaa lama huraan u ah gabi-ahaan Ciidamadeenna qeybahooda kala duwan inay xoojiyaan awoodda howlgalladooda," ayuu yiri Taliyaha Ciidanka AMISOM, Lt. Gen. Diomede Ndegeya.

 Maj. Gen. William Kitsao Shume oo ah taliye ku xigeenka Ciidanka AMISOM ee qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha, ayaa u sheegay taliyeyaasha caqabadaha ay wajahaan iyo horumarrada ay ka gaareen dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Kulankan ay yeesheen taliyayaasha AMISOM ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu ku guda jiro xaalad kala guur ah, iyadoo ay socoto doorasho is-jiid-jiid iyo muran ka taagan yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.