AMISOM oo Qarax lagula eegtay Muqdisho

MUQDISHO (Keydmedia) - Qarax Miino ayaa waxaa Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM lagula eegtay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
AMISOM oo Qarax lagula eegtay Muqdisho

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa lala eegtay mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee AMISOM, kaasi oo gebi ahaan Qarax Miino oo la dhigay Wadada qarkeeda xilli ay Xalay kusii jeedeen Saldhigyo ay ku leeyihiin Duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa o si weyn looga maqlayay Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa la sheegay inuu geestay  Khasaaro isagu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo inta uu la egyahay aan la ogeyn kaasi oo gaaray Ciidamada AMISOM.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Goobaha Ganacsi kadib markii Ciidamada AMISOM ay wada xireen, inkastoo markii dambe dib loo furay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha AMISOM, iyadoo Qaraxani uu qeyb ka yahay Qaraxyada lagu weeraro Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dagaal xooggan kula jira Kooxda Shabab-Al Qaacidda.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho