Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Biyo La'aan ayaa ka jirta Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay oo ay Gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka.
Biyo La'aantaan ayaa timid kaddib markii sida Saraakiisha Dowladda ay sheegeen Koox ka tirsan Al-Shabaab ay Qarxiyeen Labo Ceel oo ay Biyaha ka heli jirtay Degmada.
Deegaanka ayaa waxaa ku yar Biyaha, waxaana la sheegaya in Fuustadii Biyaha lagu kala gadanayo Labo Kun oo Shillin (200.000).
Degmada Qansax-dheere ayaa haatan waxaa ka shaqeynayaa Hal Ceel oo Biyaha ku yaryihiin.
Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan lagala wareegay Deegaanka ayaa xirtay Dariiqi Ganacsiga ee Degmada, walina ma jirto wax Tilaabo ah oo ay qaadeen Ciidamda Dowladda ama kuwa Itoobiyaanka.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments