Askar dhar-cad ah oo Muqdisho lagu dilay

Qaar kamida askarta dhar-cadka ah ee lagu soo daadiyay waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay daqiiqado kahor degmada Waaberi.

Warar Keydmedia Online
Askar dhar-cad ah oo Muqdisho lagu dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay noo xaqiijeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan halka loo yaqaan buun-dooyinka oo ka tirsan degmada Waaberi, waxaa lagu dilay saddex kamida Askarta NISA ee loo yaqaan Dhar-cadka ee lagu soo daadiyay dhawaan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Rag sidoo kale ku hubeysan biskoolado ayaa waxay weerareen ciidamada dhar-cadka ee uu Fahad Yaasiin ku soo daadiyay waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, kooxda falkan geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana loo maleenayaa in ay yihiin kuwa kooxda Al-Shabaab.oo inta badan geysata falalka nuucan oo kale ah oo lagu khaarajiyo dadka shacabka ah, ganacsatada, saraakiisha iyo mas'uuliyiinta sar sare ee dowladda.

Ciidamada ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta kaddib markii falkaas dhimashada sababay uu goobta ka dhacay, ciidamada ayaana ku raad jooga raggii ka baxsaday goobta, lamana oga halka ay u baxsadeen ilaa iyo hadda mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee ku aaddan falkaas lagu dilay ciidamad dhar-cadka DF.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.