Askari dil geystay oo isna dil lagu xakumay

Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo horay dil iyo kufsi isugu daray gabar yar ayaa isna maanta lagu xakumay in la dilo.

Warar Keydmedia Online
Askari dil geystay oo isna dil lagu xakumay

BALADXAAWO, Soomaaliya - Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nuur Madoobe ayaa maanta lagu fuliye xukun dil ah oo hore loogu xukumay.

Askarigan ayaa inta uu kufsaday haddana dilay gabar kamida dadka deegaanka Baladxaawo, dhacdadaasi oo noqotay mid aad looga naxo loogana xumaado ayuu askarigu ku kacay falkaas foosha xun oo aan laga filan karin askari la rabay inuu dalka iyo dadka wax u qabto!

Aabaha dhalay gabadha uu kufsaday askariga ee dilay ayaa gacantiisa ku toogtay ninkii dilay gabadhiisa oo lagu magacaabi jiray Ismahaan Bakaal.

Dadka degaanka ayaa kasoo qeyb galay goobta ay ka dhacday toogashada, falkan lagu fuliyay xukunka ayaa dad badani soo dhaweeyeen, una arkeen mid caddaalad ah, oo marxuumaddii la dilay maanta ayey caddaalad heshay ayey dadku islahaayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.