Askari dilay qof shacab ah oo la xukumay

Askari ka tirsan ciidamda dowladda Soomaaliya oo horay u dilay si bareer ah qof shacaba ayaa isna maanta la hor geeyay maxkamadda ciidamda, waana la xukumay.

Warar Keydmedia Online
Askari dilay qof shacab ah oo la xukumay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida qeybta 60 -aad ayaa maanta waxay xukun dil ah ku ridday dable Geedow Maxamed Fiidow oo ah 23 sano jir  ka tirsan ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed. Askariga ayaa maxkamadda ciidamada waxa ay ku heshay inuu si bareera ah u dilay qof shacab ah oo lagu magacaabi jiray Mursal Cali Cadi kaas oo wadey gaari hoomey ah, waxaan toogtay dable Geedow xilli uu waday gaari muqdisho ka baxay kuna sii jeeday Baydhabo.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowad ee ciidamada qalabka sida Qeybta 60 -aad Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa xukunka ku dhawaaqay, waxa uuna yiri "Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Dable Geedow Maxamed Fiidow ku ridday xukun Dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Mursal Cali Cadi oo uu si bareer ah ugu dhuftay xabad" Dable Geedow ayaa sidoo kale dhaawac gaarsiiyay qof kale oo shacab ah kaasoo isha midig uu ka soo gaaray dhaawac.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.