Askarta Uganda oo la abaal mariyay [Biladda dalxiiska]

Dalka Soomaaliya ayaa noqday mashruuc ay usoo shaqo tagaan askarta dalalka deriska, iyadoo askari kasta la siiyo mushaar ahaan bishii $1,200 halka midka Soomaaliya uu la'yahay $200.

Warar Keydmedia Online
Askarta Uganda oo la abaal mariyay [Biladda dalxiiska]

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa billado iyo shahaadooyin guddoonsiiyay askarta Uganda, kuwaas oo sida la sheegay lagu abaal-mariyay kaalintii ay ka qaateen dadaallada nabadda iyo xasillinta ee ka socda Soomaaliya.

Askartan oo ka tirsan kooxda Battle Group 30, ayaa billado lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacday Muqdisho, oo ay goobjoog ka ahaayeen, taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, General Diomede Ndegeya, saraakiil sare oo ka tirsan milateriga AMISOM iyo taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya, Sarreeye Guuto, Don William Nabasa.

Askartaan waxa ay dalka yimaadeen, bishii Sebtember 2020, [Sanad ka hor] waxa ay dhameysteen socdaalkoodii halka sano ahaa, waxayna shaqada howl-galka ku wareejiyeen, Battle Group 33, kuwaas oo sidoo kale, sanad dalxiis ah ku qaadan doona koofurta Soomaaliya.

Battle Group 30, waxaa goobaha ay ka howl-galeen ka mid ahaa, Villa Somalia (Aqalka Madaxtooyada), dekedda Muqdisho, xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, Xerada ugu weyn ee AMISOM, oo caasimadda ku taalla, iyo goobo kale oo istaraatiiji ah sida degaanka Carbiska, Laanta-buuro, Afgooye iyo Baledogle.

Dadka u dhuunduleela amniga, iyo howlaha AMISOM, ayaa rumeysan in ciidamada la abaal-miyay, aysan intooda badan hal xabad ka ridin qoryahooda, maadaama ay fariisimahoodu ahaayeen goobo amni ah.

Taas waxa ay ka dhigan tahay in ciidamadaan ka socda Ugandha ay qaateen sanad dalxiis ah, isla-markaana farqaha looga buuxiyay lacag badan, oo aysan waxba ku qaban.

Mid kasta oo ka mid ah askartaan, wuxuu mushaar ahaan u qaadanayay bishii $1,200 halka midka Soomaaliya uu la'yahay $200.

Ciidamadaan oo aan qaadin howl-gal muuqda oo ka dhan ah, Al-Shabaab, aya bishii Agoosto ee sanadkaa degaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, ku xasuuqay ku dhawaad 10 ruux oo beereley ah, kuwaas oo aan ilaa hadda kiiskoodu dhinac u dhicin.

AMISOM ayaa tmid Soomaaliya horaantii 2007, waxaana askartii ugu horeeyay ee kasoo degay Muqdisho ahaayeen kuwa Uganda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.