Cali Mahdi oo lagu aasay Masjid uu isaga dhisay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo saakay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Cali Mahdi oo lagu aasay Masjid uu isaga dhisay

MUQDISHO, Soomaaliya – Allaha u naxariistee MW, Cali Mahdi ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshiid.

Madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa hore u codsaday in lagu aaso marka uu geeriyoodo masaajid uu hore u dhisay oo ku  yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir .

Waxaana salaadda janaasada lagula tukaday masaajidka Cali Mahdi la yiraahdo ee uu dalbay in lagu aaso.

Aaska Marxuumka waxaa ka qaybgalaya Mas’uuliyiin kala duwan sida Madaxda Dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, Madaxweyneyaal hore, Madax-Goboleedyo Mas’uuliyiin kale oo xilal dalka kasoo qabtay, ehel iyo Asaxaabtiisa.

Wasiirka Amniga Xudubeey oo warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen howsii uu sii-yahaya xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay guddi uu isagu hoggaaminayay oo loo xil saaray aaska meydka Marxuum Cali Mahdi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa isna u mahad celiyay guud ahaan dadkii ka qeyb qaatay aasaka AUN, Cali Mahdi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.