Axmed Madoobe iyo Deni oo Muqdisho imaanaya

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan soo gaaraan magaalada Muqdisho, islamarkaana la kulmaan madaxweyne Farmaajo sida ay  noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaa karo. 

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe iyo Deni oo Muqdisho imaanaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo haatan ku sugan Garoowe ayaa la filayaa in ay dhawaan safar ku tagaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaa karo.

Safarka madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa imaanaya kadib markii ay cadaadis xooggan kala kulmeen wakiilada Beesha Caalamka oo doonayo in wada xaajood laga gaaro khilaafka ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo hogaamiyaasha labadaan maamul.

Macluumaadka ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in labadaan masuul uu safiirka Mareykanka qadka taleefonka kula xiriiray kadibna u sheegay in ay Muqdisho imaadaan ama madaxweyne Farmaajo Garoowe tago, iyagoona ka door biday in ay Muqdisho ka soo degaan.

Kulan in ka badan 48 saacadood qaatay ayaa haatan madaxda Puntland iyo Jubbaland uga socdo magaalada Garoowe, iyadoona la filayo in ay saacadaha soo socdo ku dhawaaqaan natiijada kulankooda, iyo waxa kala gudboon miraha shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaanan ka qeyb gelin shirkii Dhuusamareeb 3 oo la soo gabagabeeyo Jimcihii la soo dhaafay, iyagoona sheegay in shirkaasi aaney jirin cid ku meteshay, islamarkaana u gaar yahay madaxdii ka qeyb gashay.

Qodobada ay tabanayaan labadaan masuul ee isku aragtida ah ayaa waxaa ka mid ah in ay meesha ka maqantahay xukuumaddii fulin laheyd heshiiska laga gaaro arrimaha doorashooyinka, kadib markii sifo sharci darro ah la riday xukuumaddii Xasan Cali Kheyre muddo 30 cesho ah ka hor.

KEYDMEDIA ONLINE


    Commenting is not available in this channel entry.