Axmed Madoobe oo ka hadlay dacwada badda Soomaaliya

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Xukuumaddiisa iyo shacabka uu hoggaamiyo ay garab taagan yihiin guddiga dowaldda Fadaraalka u xil saartay kiiska badda.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo ka hadlay dacwada badda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaalya – Axmed Maxmed Islaam ‘Madoobe’ ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan kiiska badda Soomaaliya ee muranka ay galisay Kenya kaas oo maalintii labaad dhageysiga dacwadiisu ka socoto ICJ.

"Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka" ayuu yiri Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo kiiskaan, lagana fogeeyo in loo adeegsado siyaasad iyo waxyaabaha lagu kala aratida duwan yahay.

Dhageysiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya damacday in ay boobto ayaa maalib-ntii labaad galaya, waxaana Maxakamadda ka maqan dalka Kenya oo hore u sheegay in aysan ka qeyb galeyn dacwada.

Axmed Madoobe, waxaa lagu xagliyaa inuu aad ugu dhowyahay siyaasiyiinta Soomaalida ee Kenya, taas oo u fududeysay inuu cilaaqaad wanaagsan la yeesho Madaxda dalka Kenya.

Madoobe, wuxuu ku sugan yahay Muqdisho, wuxuuna soo ajiibay baaqa uga yimid beesha caalamka, kadib markii uu si cad u diiday baaq uu Saddex jeer  u diray Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.