Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiil Mareykan ah

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmex Madoobe ayaa kulan la qaatay saraakil sar sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ah ee Soomaaliya ku sugan.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiil Mareykan ah

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada maamulkaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Dowladda Mareykanka ayey ciidamo loo yaqaan AFRICOM ka joogaan Soomaaliya, inkastoo ciidamadii ku sugnaa Soomaaliya laga saaray, haddana waxaa ku sugan saraakiil sar sare oo tabar siiya ciidamada DF iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].