Axmed Cali Salaad: xal ma lahan xaalada waqooyga Galkacyo

GALKACYO(KEYDMEDIA) Gudoomiyihii Magaalada Galkacyo dhankeeda waqooyi ee uu shalay xilka ka qaaday C.raxmaan Faroole Axmed Cali salad ayaa shaaca ka qaaday in aan sinaba xal loogu heli Karin xaalada waqooyga Galkacyo.
Warar Keydmedia Online
Axmed Cali Salaad: xal ma lahan xaalada waqooyga Galkacyo

Hadalkan ayaa soo ifbaxay xili hadal heynta ugu weyn ay tahay in dhibaatooyinka amni darada la xiriira ee ka taagan waqooyga Galkacyo loo aaneynayo ciidamo loo carbiyay qaarijinta dadka oo ka amar qaata C.raxmaan Faroole.

“ sinaba waxba loogama qaban karo xaalada Galkacyo, waayo dhamaan kiisaska amni darada la xiriira waxay xiriir la leeyihiin xubna sar sare oo maamulka ah waana taas sababta aan waxba looga qaban karin amniga Galkacyo” sidaa waxaa yiri Axmed Cali salad oo warbaahinta la hadlay.

Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili todobaadkii ina dhaafay dhanka waqooyi ee magaalada Galkacyo masaajidyo ku yaala lagu laayay dad fara badan oo halkaasi ku cibaadeysanay kuwaasoo ilaa iyo hada aan arinkooda meel la saarin.

WWW.KEYDMEDIA.NET